Beeraleyda qaadka ee dalka Kenya ayaa wajahay khasaaro aad u badan dhowrkii sano ee la soo dhaafay, sababo la xiriira cudurka safmarka ee covid-19 waxaa intaa u dheer dagaalka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya dalalka deriska la ah Kenya sida Soomaaliya oo qaadka mamnuucay taas ayaan keentay in beeraleeyda Kenya uu walaac la soo darso. Qaadku wuxuu si gaar ah caan uga yahay bulshada soomaaliyeed.
Beeralayda ayaa isku dayayay inay qaadka badelkiisa abuurtaan gabal- dayaha saliidda laga sameeyo si ay nolol maalmeedkooda u helaan.
khaatka waa isha ugu muhiimsan ee dakhliga dadka deegaankaasi, balse khilaaf diblomaasiyadeed – xayiraadaha uu sababay Covid – 19 ayaa sababtay in beeraleyda aysan khaadkooda u dhoofin karin dalka Soomaaliya, halkaas oo dalagga ugu badan loo dhoofin jiray. Sidoo kale waxaa horaan looga mamnuucay Ingiriiska iyo dalal badan oo Yurub ah dhowrkii sano ee la soo dhaafay.
Loyce Gatwiri, waxay sanadkii la soo dhaafay weysay shaqadeedii macalinimada cudurka korona awgiis, waxayna go’aansatay inay dib ugu laabato tuuladii ay ka soo jeeday si uga mid noqoto 3,000 oo beeraley ah oo u weecday beerashada gabbaldayaha.
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com