Afduub Ka Dhacay Deegaanka Tukaraq Ee Gobolka Sool Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Wararka aan ka heleyno deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saacadihii lasoo dhaafay lagu qafaashay dad shacab ah, kuwaasi oo ku safraayay gaadhi.

Koox hubeysan oo aan heytooda la aqoon ayaa dadkaas afduubtay, xili ay kala dageen gaadhi nooca dadweynaha oo ay saarnaayeen, iyagoona kusii jeeday degaano ka tirsan Gobolka Sool.
Afduubka loo geystay dadkaas ayaa waxaa la sheegay inuu ka dambeeyay, ka dib markii Somaliland xidhay Nin lagu magacaabo Cabdikariin Cali Nuur, sida ay ku warrameen dadka deegaanka Tukaraq.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Cabdikariin Cali Nuur lagu xidhay Magaalada Laasaacaanood ee Xarunta Gobolka Sool, isagoona lagu eedeeyay inuu taageero u muujiyay Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Weli lama oga dableyda hubeysan halka ay geeyeen dadkii saarnaa gaadhiga ee afduubka ay u  geysteen deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, mana jiro wax war  ah oo kasoo baxay Maamulka degaanka kuna aadan falkaas.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Daraasad Cusub:- Bunka Oo La Ogaaday In Uu Yareyn Karo Halista Cudurrada Ku Dhaca Beerka

Bnnstaff Bnnstaff

Maxaad Ka Taqanaa Ciyaarta Loo Yaqaano Shaxda Ee Ay Ciyaaraan Odayaasha Somalildu

Bnnstaff Bnnstaff

Cabdiraxman Cabdishakuur Oo Ka Xumaaday Kulan Qoor Iyo Madaxwaynayaashii Hore

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More