Howlgal laga sameeyay Xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho Iyo Xogo Ku Saabsan Hawlgaladaasi

Saacadihii la soo dhaafay ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo culus ka sameeyey xaafado ka tirsan degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Howlagaladaan oo ahaa kuwo lagu xaqiijinayo ammaanka degmadaas ayaa meelaha qaar waxay ciidamadu u sameynayeen guri-guri, waxaana u ahaa mid ka dhan ah Al-Shabaab iyo Burcadda dadka shacabka ah ka furata agabkooda.

Ciidamada ammaanka ayaa habeenadii lasoo dhaafay waxay degmooyinka magaalada Muqdisho ka wadeen howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo burcadda, waxaana weli caasimadda ka socda howlgalladaas nadiifinta ah.

Degmooyin ay ka mid yihiin Boondheere, warta Nabadda, Hodan iyo Deyniile ayey habeenadii la soo dhaafay ciidamada ammaanku ka howlgaleen, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan nabad geliyo, meeshana looga saaro kooxaha burcadda ah ee mararka qaar isku daya inay shacabka dhacaan.

Sidoo kale howlgalladaan waxay ku soo aadayaan iyadoo dalku uu galay xilli doorasho, isla markaana hey’adaha ammanka Soomaaliya ay muujinayaan feejignaan dheeri ah

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxwayne Joe Biden Oo Weerarkiisii Ugu Horeeyay Amray Iyo Xidhiidhkiisii Ugu Horeeyay Oo Uu la Yeeshay Sucuudiga

Bnnstaff Bnnstaff

Sheekh Maxamed Sheekh Ismaacil Oo Si Adag Uga Hadlay Arimaha Dugsiga Abaarso, Jamacada Barwaaqo Iyo Xadhiga Coldoon.

Bnnstaff Bnnstaff

Midowga Musharrixiinta Oo Shaaciyay In Ay Ka Kortagayaan Doorashada Boobka Ah.

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More