Gadh Uu Dhalay Safiirka Dalka Afghanistan Ee Pakistan Oo La Afduubtay

Gabadh uu dhalay safiirka Afghanistan u fadhiya Pakistan ayaa la afuubtay inkasta oo markii dambe la sii daayay.

Koox aan heebtooda la aqoon ayaa gabadha afduubtay, waxay u geysteen dhaawac.

Silsila Alikhil ayaa muddo saacado ah la heystay kadib markii la qafaashay xilli Jimcihii ay ku wajahneyd gurigooda oo ku yaalla caasimadda Pakistan ee Islamabad.

Wasiirka arrimaha dibadda Afghanistan wuxuu sheegay in ‘gabadhan si xun loo jirddilay’ isla markaana ay arrintan dacwad ka gudbin doonaan.

Waxaa in muddo ah sii xumaanayay xiriirka diblumaasiyadeed ee Afghanistaan iyo Pakistan.

Saraakiisha Pakistan waxay sheegay in gabadha ay baabuur ku riteen kooxdii afduubka ka dambeysay oo ay garaaceen.

Gabadhan ayaa haatan lagu daweynaya cisbitaal, safiirka wuxuu ku tilmaamay dhacdada mid ‘weerar gurucan’.

Wuxuu intaas ku daray in xaaladda caafimaad ee gabadhiisa ay wanaagsan tahay.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Raysal Wasaare Rooble Kulan La Qaatay Wakiilka Midawga Africa U Qaabilsan Somaliya Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen

Bnnstaff Bnnstaff

Qaar Ka Mid Ah Dalalka Reer Yurub Oo Hakiyay Talaalka Cudurka Covid 19 Iyo Sobobta

Bnnstaff Bnnstaff

James Swan Iyo Guddoomiyaha Amniga & Nabadda Ee Midowga Afrika Oo Ka Shiray Doorashada Somalia

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More