Ururka Taliban Iyo Dowlada Afghanistan Oo Isku Afgaray Xabad Joojin Maalmaha Ciida

Shirka Wafuuda labada dhinac uga socday Caasimadda dalka Qatar ee Dooxa ayaa ku guul-daraystay inay Heshiis Xabbad-joojin gaaraan muddada lagu jiro Maalmaha Ciidda Al-Adxa oo berrito loo dabaaldegayo.

Afhayeenka Xafiiska Ururka Daalibaan ku leeyihiin Caasimadda Qatar, Maxamed Naciim ayaa hadalkaasi sheegay, kadib, Kulan 2 maalmood oo ay Ergooyinka Taalibaan iyo Dowladda Afganistan yeesheen.

Waxa uu xusay in lagu heshiis waayey Xabbad-joojin iyop in Maxaabiista Taalibaan la sii daayo.
Warar ayaa sheegayo inay suurtogal tahay in la gaaro Heshiis Xabbad-joojin socon doonta maalmaha lgu guda-jiro Ciidda, balse, ma jiraan war rasmi ah oo Ururka Daalibaan xaqiijiyeen.

Dhinaca kale, Afhayeen u hadlay Dhexdhexaadiyaasha Qatar waxa uu sheegay inay labada dhinac ku heshiiyeen inay mar kale yeeshaan Wada-xaajood dheeraad, si ay u gaaraan Heshiis Nabadeed oo Rasmi ah.

Ergada Daalibaan waxay horey u codsadeen in 7,000 oo Maxaabiistooda ah laga sii daayo Xabsiyada Dowladda Afganistan, si ay u joojiyaan Gulufka colaadeed ee ay ku qabsanayaan qeybo ka mid ah dalka Afganistan

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Guddoomiyaha Guurtida Somaliland Oo Guddi Anshax Marin Ah U Saaray Xildhibaan Shaadh

Bnnstaff Bnnstaff

Shacabka Muqdisho Oo Siyaabo Kal Duwa Uga Dareen Celiyay Go’aanka Ay Somaliya Ku Caydhisay Safiirka Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Xukuumada Muuse Biixi Oo Ka Hadashay Shilalka Gaadiidka Oo Soo Badanaya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More