Ciidamo Howlgallo Miino Baadhis Ah Ka Sameeyay Degaan Ka Tirsan Gobolka Mudug

Ciidamada Kumaandooska xoogga dalka Soomaliyeed ee DANAB gaar ahaan Ururka 6-aad ee Guutada 16 Aad ayaa hawlgallo kala duwan waxaa ay ka wadaan deegaano u dhow Deegaanka Camaara Ee Gobolka Mudug.

Ciidamada ayaa shalay gelinkii hore waxaa ay dagaal kula wareegeen degaanka Camaara, halkaas oo ay muddo ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, kadib markii ay Ciidamada weerareen degaanka.

Taliyaha Ururka 6-aad ee Danab Dhame Abdi Ladiif Ahmed Feefle oo hoggaaminaayo Ciidamada Hawlgalada ka wada aagga Camaara ayaa sheegay in ujeedka howlgalkooda uu yahay sidii loo sugi lahaa ammaanka degaanka iyo degaannada u dhow.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in howlgalka intiisa badan uu yahay mid ay ku baarayaan miinooyin ay Al-Shabaab ku Aaseen wadooyinka soo gala degaanka Camaara si ay Bulshada ugu dhibataayeen, isla markaana howlgalkooda ay sii wadi doonaan.

Degaano badan oo ka tirsan Gobolka Mudug ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka socday howlgallo kala duwan, iyada oo ay Ciidamada dowladda howlgallada kula wareegeen degannada Camaara iyo Bacaadweyn ee Gobolka Mudug.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Gabar Iyadoo Iskuulka Joogta Jallaato Lagu Siray Oo Qoyskeeda Ka Maqneyd 9 Sano

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Aad Uga Carooday Qish Lagu Sameeyay Imtaxaanka Qaranka Ee Dugsiyada Sare

Bnnstaff Bnnstaff

Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex Oo Xukun Ku Riday Ragii Ku Eedaysnaa Kufsigii Xarunta Agoomaha Ee Hargeysa

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More