Cutubyo Ka Tirsan Kamaan Dowsta Gorgor Oo Dhameystay Tababar Militeri Oo Muqdisho Lagu Dhaariyey

Cutubyo ka tirsan Guutada 9-aad ee ciidamada kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gorgor ayaa maanta tababar loogu soo xiray xerada tababarrada ciidamada Soomaaliya ee Turkisom.

Munaasabad lagu dhaariyey ciidamada soo dhameystay tababarka ay ku qaateen dugsiga tababarka militeriga Soomaaliya ee TurkiSom ee magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay xeradaas.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka qeyb galay xaflada dhaarinta ciidamadaan oo qeyb ka noqonaya kumandooska xoogga Soomaaliya ee Gorgor.

Tababarro iyo tayeyn xoog leh ayaa ku socota ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya, waxayna haatan ciidamadii horay u soo dhameystay tababarrada ay gobollada dalka ka wadaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

WARAYSI KULUL Oo Hereri Su’aalo Adag Ku Waydiiyay Gudoomiyaha Baarlaamka Somaliland

Mustafehaji

Shacibka Magaalada Caynabo Oo Cabasho Xoogan Ka Muujiyay Kor U Kac Ku Yimid Qiimaha Biyaha Fariina U Diray Muuse Biixi

Bnnstaff Bnnstaff

“Waxaa Dalka Ka Jirta Dhiig La’aan waxaan Rabnaa In Dadka La Caawiyo” Gud. Hay’adda m. Masiibooyinka

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More