Dowladaha Cuba Iyo Soomaaliya Oo Ka Wadahadlay dhaqaatiir Gacanta Ugu Jira Shabaab

Wasiirka arrimaha dibedda Cuba Bruno Rodriguez ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad dadaalka ay dowladdiisu ugu jirto dammaanad-qaadka soo celinta laba dhakhtar ee u dhashay Cuba oo in ka badan sannad ka hor laga afduubay Kenya.
Waxaa uu sidoo kale caddeeyay sida Cuba ay u dooneyso inay xoojiso xiriirka labada dal.
Dhakhaatiirtan Cuba ayaa la afduubay 12-kii Abriil, 2019 iyagoo ka shaqeynayay Kenya, tan iyo xilligaas dowladda Cuba waxay xiriir joogto ah la lahayd Kenya iyo Soomaaliya si dhaqaatiirtaasi loo soo badbaadiyo.
Bishii Abriil ee sanadkaan 2020, Madaxweynaha Cuba Miguel Diaz-Canel wuxuu la hadlay qoysaska dhibbanayaasha hal sano ka dib wuxuuna u xaqiijiyey inkastoo cudurka Corona virus uu sameeyay dadaaladii ay wadeen haddana in Soomaaliya iyo Kenya ay kala shaqeyn doonaan soo deyntooda dhaqaatiirta
Dhakhaatiirta kala ah Assel Herrera, oo ah khabiir ku takhasustay cudurada Guud kana soo jeeda gobolka Las Tunas iyo Landy Rodriguez, oo ah dhakhtar qalliin oo ka socda Villa Clara waxay ka mid ahaayeen howlgalka caafimaadka ee Cuba ee Kenya.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews. com

Related posts

Doorashada 5 Kamid Ah Kuraasta Golaha Shacabka Oo Maanta Ka Dhaceysa Baydhabo

Bnnstaff Bnnstaff

Hadaljeedinta Guddoomiyaha Aqalka Sare Ee Cabdi Xaashi Cabdullaahi Ee Doorashada Xubnaha Gobolada Woqooyi

Bnnstaff Bnnstaff

Booliska Minnesota Oo Soo Bandhigay Magacyada Iyo Sawirada Rag Burcad ah

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More