Booliiska Magaalada Addis Ababa Oo Xidhxidhey Dad Fara Badan Iyo Sobobta Loo Xidhxidhay Dadkaasi

Ciidanka booliiska magaalada Addis Ababa, ayaa ku dhawaaqey iney xireen in ka badan 320 qof.

Dadkan la xir xirey ayaa lagu eedeeyey iney ka wadeen magaalada hawl gal la xiriira TPLF, iyadoo la qabtey hub aad u tiro badan.

Madaxa booliiska Addis Ababa, Getu Argaw, ayaa ku sheegay bogga ay ku leeyihiin baraha bulshada, in dadka la xirey ay fal dambigeed gacmaha kula jireen markii lasoo qabqabtey, haatanna uu baaritaan ku socdo.

Sidoo kale, waxaa jira warar sheegaya iney jiraan dad kaloo la xirey, kuwaasoo su’aalo laga weeydiinayo sababta ay uggu xadgudbeen calanka Itoobiya, mar ay ku sugnaayeen goobaha lagu caweeyo iyo madadaalada.

Xiritaanka dadka waxaa raacsan in booliiska ay gacanta ku dhigeen hub fara badan, sida uu sheegay madaxa booliiska.

Intii lagu guda jirey hawlgalkii dadka bada lagu soo qaqabtay, ayaa booliiska waxey baaritaan ku sameeyeen 793 dukaan, goobo lagu caweeyo, hoteello iyo xarumo ganacsi oo kale, kuwaasoo sida ay sheegeen booliiska lagu tuhmay iney halis ku yihiin ammaanka Itoobiya.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Akhriso Natiijada Hor Dhaca Ah Ee Doorashadii Shalay Ka Dhacaday Puntland

Bnnstaff Bnnstaff

“Reer Hargeysow Horumarka Aad Doonaysaan Shuruudi Badan Baa Horyaala” Maayirka Cusub Ee Hargeysa

Bnnstaff Bnnstaff

Ayax Ku Habsaday Xarunta Wasaarada Deegaanka Somaliland Iyo Wasiirka Wasaaradaasi Oo Ka Hadashay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More