Ururka Ganacsiga Adduunka ayaa lagu wadaa inuu shaaca ka qaado labada qof ee isugu soo haray wareegga ugu dambeeya ee tartanka madaxtinnimada ururka.
Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Kenya, safiir Aamina Maxamed ayaa ka mid ah shan musharrax oo isugu soo haray wareegga labaad.
Wasiirkii hore ee ganacsiga Nigeria Ngozi Okonjo-Iweala ayaa loo badinayaa in wareegga ugu dambeeya ay Aamina Maxamed kula tartanto kurisga madaxtinnimada WTO.
Musharraxiinta kale ee u tartamaya waxaa ka mid ah Yoo Myung-hee oo Kuuriyada Koofured, Mohammad Maziad Al-Tuwaijri oo Sacuudiga u dhashay, iyo Liam Fox oo UK ka socota.
Waxay doonayaan inay beddelaan madaxa ururka ee haatan Roberto de Azevedo, oo Brazil ka soo jeeda kaas oo xilka hayay tan iyo sanadkii 2013.
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com