Maamulka degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ayaa kasoo horjestay Guddigii dowlad Goboleedka Jubbaland u magacaawday baarista dadkii shacabka ahaa ee Ciidanka dowladda Kenya ku dileen halkaas.
Guddoomiye ku-xigeenka Ceel-waaq Sahal Maxamed Aadan oo la hadlay Dalsan ayaa u sheegay in aysan dooneyn in Guddigaas ay yimaadan degmada, isagoo ku eedeeyay in Maamulka Jubbaland in uusan waxba ka qaban dhibaatooyin ka dhacay degmadaas.
Sahal Maxamed ayaa sheegay in Guddiga baarista ee Guddoomiyaha u yahay Wasiir Cabdirashiid Xasan Nuur Janan aysan kalsooni badan ku qabin, isla markaana arrintaas ay tahay sababta keentay inay diidaan Guddiga.
Guddigii Jubbaland u saartay baarista dadkii lagu dilay degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ayaa warar la helayo waxaa ay sheegayaan inay ku wajahan yihiin degmadaas, iyagoona doonaya in baaritaano kala duwan ku sameeyaan dhacdooyinkii Ciidanka Kenya u geysteen dadkii shacabka ahaa.
Si kastaba Ceel-waaq iyo degmooyin kale oo ka tirsan Gedo ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay banaanbaxyo xoogan oo looga soo horjeeday tacadiyo Kenya ka geysatay qeybo kamid ah Gobolkaas, maadaama ay ku sugan yihiin Ciidamo Kenyaanti ah.
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com