Dowladda Somaliya Oo Sheegtay In Duqeyn Lala Beegsaday Goobo Ay Ku Sugnaayeen Al-Shabaab

Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadashay howlgalladii ugu dambeeyay oo ay Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowlad Goboleedka Galmudug ka sameeyeen degaannada Gobolka Mudug, halkaas oo ay dagaal kula galeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka xoogga dalka iyo daraawiishta Galmudug guulo waaweyn ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda bariga gobolka Mudug.

Qoraalka wasaaradda ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in Maanta Barqadii duqeyn lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab, taas oo lagu difaacayay Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.

Ugu dambeyn Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamada dowladda gar ahaan kuwa Kumandooska DANAB iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ay sii wadi doonaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Odayaasha Iyo Waxgaradka Beledwayne Oo Taageero U Muujiyay Hirshabeele Fariin Culusna Diray

Bnnstaff Bnnstaff

Joe Biden:-” Trump Maskaxdiisa Il-Bidhiqsiyo Ayay Isku Beddeshaa”

Bnnstaff Bnnstaff

Banaanbax Lagaga Soo Horjeedo Qaab Dhismeedka Maamulka Hirshabeele Oo Ka Dhacay Baladwayn

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More