Golaha Guurtida Somaliland Oo Ansixiyay Xeerka Doorashooyinka

Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland ayaa Maanta oo Salaasa ah mid kamid ah kulamadoodii caadiga ahaa ku yeeshay Magaalada Hargeysa, iyagoona uga dooday hal ajende.

kulnakii Golaha Guurtida inta uu socdau ayaa waxaa looga dooday ansixinta Xeerka guud ee doorashooyinka Somaliland iyo diiwaan galinta Cod-bixiyayaasha, waxaana kulankaas goobjoog ka ahaa 53 Xildhibaan.

Intaas kadib Xildhibaanada Golaha Guurtida ayaa ansixiyay Xeerka guud ee doorashooyinka Somaliland, waxaana ogolaatay ansixintiisa 49 Mudane, laba Xildhibaan ayaa diiday, waxaana ka aamusay hal Xildhibaan.

Xeerka doorashooyinka ayaa waxaa maalmo kahor ansixiyay Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, iyadoo haatan uu xeerkaas u gudbayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Guddiga komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa dhawaan sheegay inay socdaan howlaha diyaar garowga qabsoomidda doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka, iyagoo xusay inay guda-galeen shaqadii doorashooyinka.

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Dowlada Degaanka Somalida Oo War Ka Soo Saaray Soo Labo Kaclaynta TPLF

Bnnstaff Bnnstaff

Dowladda Jabuuti Oo War Kasoo Saartay Tallaalka Cudurka Coronavirus

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiir Hinda Gaani Oo Waxba Kama Jiraan Ku Sheegtay Wararka Sheegay In Muuse Biixi U Gacan Qaaday

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More