Madaxwayne Farmaajo Oo Khadka Telefanka Kula Xidhiiday Amiirka Qatar Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen

Madaxweynaha Soomaaliya ee muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta wadahadal dhinaca qadka teleefoonka kula yeeshay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani.

Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Qatar Sheekh Tamiim ayaa isugu hambalyeeyay Munaasabadda Ciida barakeysan ee Ciidul Adxa oo maanta Maalintii laabad loo dabaal-dagayo.
Sidoo kale Farmaajo iyo Sheekh Tamiim ayaa isweydaarsiga halmbalyada Ciida kadib, ka wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal, iyagoonka u rajeeyay labada dal iyo dhammaan muslimiinta horumar iyo barwaaqo.

Dowladda Qatar ayaa waxaa ay kamid tahay dowladdaha taageerada weyn siiya Soomaaliya, waxaana la sheegaa in ay saaxiibo gaar ah la tahay Madaxda dowladda oo uu horkacayo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Qodobo Laga Soo Saaray Shirka Golaha Wasiirada Somaliland Iyo Xuskii 18ka May Oo La Joojiyay

Bnnstaff Bnnstaff

Abwaan Cismaan Ku Jare Oo Difaacay Magacaabista Abwaan Yusuf Shaacir Ee Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

War Murtiyeed Laga Soo Saaray Kulan Dhex Maray Jabhada Baladwayn Iyo Madaxdhaqmeedka Gobolka Hiiraan

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More