Diyaarad Ay Leeyihiin Ciidamada Itoobiya Oo Ku Burburtay Gobalka Bakool

Warrarka laga helayo gobolka Bakool ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay leeyihiin ciidamada Itoobiya ay ku burburtay garoonka magaalada Xudur . Sida uu BBC-da u sheegay qof tagay halka uu shilku ka dhacay, waxa badbaaday dhamaan dadkii saarnaa diyaaradda.

Faahfaahin lagama hayo tirda dadka saarnaa iyo sababta keentay burburka diyaaradda.

Warkaan la xiriira burburka diyaaraddaan ay leeyihiin ciidamada Itoobiya ayaa imaanaya xili saacado kahor degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo ay shil ku gashay diyaarad siday rakaab oo saaka ka duushay magaalada Nairobi,isla markaana ku socotay degmadaasi ay ka baxday dhabaha ay diyaaraduhu ku cararaan marka ay dagayaan ama ay duulayaan.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Itoobiya Oo Xaalada Deg Deg Ah Lagu Soo Rogay Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Bnnstaff Bnnstaff

“Maayir Muraad Waa Cadceed Casar Joogta” Maxamed Sadiiq Dhame Oo Dhaliilo Culus U Jeediyay Maayirka Burco

Bnnstaff Bnnstaff

Ex Madaxwayne Sheekh Shariif Oo Ku Baaqay In Fursada La Siiyo Raysal Wasaare Rooble

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More