Saraakiisha Ciidamada Dowlad Goboleedka Galmudug Oo Sheegay In Uu Isku Soo Dhiibay Sarkaal Sare Oo Ka Tirsan Al-Shabaab.

Taliyaha Ladagaallanka waxa loogu yeero Argagixisada ee Daraawiishta Galmudug Geedi Qalabxoor ayaa Warbaahinta fowladda u xaqiijiyay in Sarkaakan uu isku dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan aagga deegaanka Bacaadweyne, kaas oo lagu magacaabo Dalabeey Cabdi Macallin.

Taliyaha ayaa tilmaamay inay jiraan Sarkaakiil kale oo ka tirsan Al-Shabaab oo la soo xariiraya ciidanka, kuwaasi oo doonaya inay isaga soo tegaan Al-Shabaab, kadib markii ay isaga tageen deegaanno badan oo ku yaala Koofurta Galmudug.

Warkaan kasoo yeeray Taliska Ciidanka daraawiishta Galmudug ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay degaano ku yaal Koonfurta Gobolka Mudug ay ka socdeen dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Raysal Wasaare Rooble Oo Hawlgaliyay Gudiga Doorashada Heer Fadaraal Ee Somaliya Fariin Adagna Diray

Bnnstaff Bnnstaff

Shacabka Reer Awdal Oo Loogu Baaqay In Ay Ka Soo Qayb Qaataan Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Borama

Bnnstaff Bnnstaff

Diyaar Galawga Todobaadk Xoriyada Oo Si Wayn Looga Dareemaya Magaalada Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More