Maraykanka Oo Raadinaya Xulafo Cusub Oo Ka Dhan Ah Shiinaha

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa maanta oo Talaadadii ka bilaabay magaalada Tokyo kulamo uu la yeelanayo dhiggiisa Australia, India iyo Japan, iyadoo Washington ay dooneyso inay xoojiso taageerada xulafada gobolka maadaama xiriirka uu la leeyahay Shiinaha uu sii xumaanayo.

Safarkan, oo ah kii ugu horreeyay ee uu ku tago gobolka tan iyo bishii Luulyo 2019, ayaa loo dhimay oo hal maalin oo keliya lagu qaatay Japan, ka dib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump laga helay COVID-19. Pompeo wuxuu horey u qorsheeyay inuu aado Mongolia iyo South Korea sidoo kale.

Safarka Pompeo wuxuu ku soo aadayaa xili Washington iyo Beijing oo ah labada dhaqaale ee aduunka ugu sareysa ay isku maan dhaafeen arimo badan oo ka imanaya maamulka Beijing ee coronavirus ilaa sharci cusub oo amaanka lagu soo rogay Hong Kong iyo hamiga Koonfurta Shiinaha.

Arrintaan ayaa ku soo aaday xilli ay kulmeen wasiirada arrimaha dibada dalalka India,jaban,Australia, iyo sidoo kale Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka. Washington waxay u aragtaa kulanka waxa loogu yeero Quad ee wasiirada arimaha dibada inuu yahay madal lagu xoojinayo mowqifkeeda xulafada gobolka

 

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Borama Oo Maanta Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Madaxwaynaha Dowlada Degaanka Mustage Cagjar

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiirkii Kaluumaysiga Maamulka Puntland Oo Iscasilay Iyo Sobobta Iscasilaadiisa

Bnnstaff Bnnstaff

Maraykanka Oo Dabagal Xoogan Ku Haya Lacagaha Ka Yimaada Dalalka Carabta Ee Soo Gala Somaliya Xiliga Doorashooyinka

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More