Maraykanka Oo Oggolaaday Codsiyada Muwaadiniinta Soomaalida Iyo Dalal Kale Ee Aan Sharciga Lahayn

Hay’adda Adeega Muwaadinimada iyo Socdaalka ee dalka Maraykanka waxay ku dhawaaqday inay aqbaleen Codsiyada Nidaamka Badbaadada Ku-meel-gaarka ee TPS oo la siinayso Muwaadiniinta Soomaalida ee aan Sharciga lahayn ee ku nool Maraykanka.

Shir Jaraa’id oo ay Hay’addu shalay oo Arbaco ahayd qabtay ayey ku iclaamisay inay aqbaleen Codsiyadda Nidaamka Badbaadada Ku-meel-gaarka ee Joogitaanka Maraykanka ee TPS ee la siinayso Muwaadiniinta ka soo kala jeeda dalalka Somalia, Syria, Yemen, Venezuela iyo Myanmar.
Muwaadiniinta shantaasi waddan ee loo oggolaaday Joogitaanka Maraykanka waxaa loo oggolaaday inay muddo 2 sano ah ku nolan karaan, kana shaqaysan karaan gudaha Maraykanka.

Nidaamka Badbaadada KMG ee Joogitaanka Maraykanka waxaa la siiyaa Muwaadiniinta ay dalalkooda uga soo cararay Masiibooyinka Dabiiciga, Dagaallada iyo Qalaalsaha Siyaasadeed iyo Amni.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dowladaha Itoobiya Iyo Eritrea Oo Beeniyay Eedaymihii Maraykanka Iyo Colaada Qoomiyadaha Itoobiya Oo Laga Cabsi Qabo

Bnnstaff Bnnstaff

Magaalada Boosaaso Oo Maanta Laga Dhaqan Galiyay Qaadashada Lacagta Shilin Somaliga

Bnnstaff Bnnstaff

Warbixin:- Kala Duwanaasha Iibsiga Hilibka Ee Maalmaha Todobaadka Iyo Maalinta Loogu Iibsiga Badanyahay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More