Madaxwaynaha Dalka Madagaskar Andry Rajoelina Oo Ka Badbaaday Isku-Day Dil

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in la fashiliyey qorshe lagu khaarijiyey lahaa Madaxweynahaha dalkaasi, Andry Rajoelina.

Qoraalka ayaa lagu xusay in la xiray dhowr qof oo isugu jiray Muwaadiniin Deegaanka iyo kuwo Shisheeye ah.
Ilo Diplomaasi oo la hadlay Wakaalladda Wararka Faransiiska ee AFP ayaa sheegay inay labo Nin oo Faransiis ah ka mid yihiin dadka loo soo xiray Isku-dayga dilka ee la fashiliyey.

Dhinaca kale, bishii la soo dhaafay ee June 26-dii oo ku beegnayd Maalinta Xorriyada ee Madagaskar waxaa la fashiliyey Isku-day lagu dili lahaa Taliyaha Ciiddanka dalkaasi, Jeneral Rijard Rafalomanane oo isugu ah Gacanta Midig ee Madaxweynaha dalkaasi.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Sheekh Farta Ku Fiiqay Cid Leh Masuuliyada Dadka Lagu Laynayo Laascaanood

Bnnstaff Bnnstaff

Dooni Ay Lahaayeen GanacsatoSomaliyeed Oo Ku Gubatay Dekeda Cadan Ee Dalka Yeman

Bnnstaff Bnnstaff

Hooyo & Carruurteeda oo dhimasho & dhaawac ku noqday biriq ku dhacay gurigooda

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More