Deg Deg:- Taliyihii Booliska Degmada Garadag Ee Gobolka Sanaag Oo La Toogtay

Wararka aan ka helayno Gobolka Sanaag ayaa ku warramaya in goordhaweyd halkaasi lagu dilay, Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Booliska Somaliland, kaasi warar kala duwan ay kasoo baxayaan sababta ka dambeysay dilka Taliyahaasi.

Alle ha u naxariisto Taliyaha la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Cabaas Maxamed Diiriye, waxaana uu ahaa Taliyaha Booliska degmada Gar-Adag ee gobolka Sanaag.
Wararka aan helnay ayaa tibaaxaya in Masuulka la dialy uu ku jiray howlgal  ay Ciidanka Booliska Somaliland ku soo qabanayeen nin ay raadinayeen, Balse waxaa la sheegay in ay dhacday rasaas ay is waydaarsadeen Booliska iyo dhinaca kale, taasina waxaa ay geerida Geerida Taliyahaasi.

Wali Booliska Somaliland wax war ah ka may soo saarin geerida Cabaas Maxamed Diiriye oo goordhawyed lagu dilay degmada Gar-Adag ee gobolka Sanaag, sidoo kale ma jirto faah faahin intasi ka dheeri ah oo la helay.

 

Waxii Faahfaahin Ah Ee Ka Soo Kordha Isha Ku Hay
BoramaNews.com

Related posts

Xukuumadda Somalia Iyo Qaramada Midoobay Oo Ka Wada Hadlay Dhaqaalaha Ku Baxaya Doorashada Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Itoobiya Oo Kun Qof Xidhay Intii Lagu Guda Jiray Xaalada Deg Deg Ah

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Somaliya Oo War Ka Soo Saartay Dhegaysiga Dacwada Somaliya Iyo Kenya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More