“Dumaashi Dagaalka Nala Soo Gal” Axmed Macallin Fiqi, Oo U Jawaabay Ilhaan Cumar

Wasiirka amniga ee Galmudug, Axmed Macallin Fiqi, ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ugu jawaabay Ihaan Cumar, oo gobolka Minnesota u matasha Aqalka Wakiillada Mareykanka (Congress) oo maamulka Biden ka dalbatay qiil u helida duqeyntii Talaadadii ay ka geysteen Soomaaliya, taas oo maamulka ku andacooday in lala beegsaday xubno looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay inay haboontahay in xildhibaan Ilhan ay ka digtoonaato in hadalkeedu u ekaado hiil ay u fidinayso argagixisada Alshabaab ee dhibaatada ku haysa umadda Soomaaliyeed waa sida uu qoraalkiisa u dhigaye.

“Gabadheena Ilhaan ma haboona in ay afhayeen u noqoto Alshabaab, miyaysan ogayn in 27 Juun 2021 dhowr iyo soddon qof oo shacab u badan in argagixisadu ay ku xasuuqday Wisil, Maxayse ku qancinaysaa eheladii dadkooda ay Shabaab xasuuqeen, mise Ilhaan waxay bixinaysaa ruqsad Alshabaab wax ku dili karo oo aan ayaga lagu dili karin!” Ayuu sidoo kale ku yiri qoraalkiisa.

Wasiirka ayaa sidoo kale Ilhan Cumar ka dalbaday inay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabab kula soo biirto wuxuuna yiri ” Dumaashi dagaalka nala soo gal”.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxii Xalay Ee Magaalada Muqdisho Oo Sii Kordhaya Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Bnnstaff Bnnstaff

Cabdi Good Oo Dhaliilo Xoogan U Jeediyay Wasiirka Wasaarada Ciyaaraha Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

Daawo:- Nuxurka Qudbada Madaxwayne Muuse Biixi Oo Ka Jeediyay Xadhig Ka Jarka Biriijka Dacar Budhudh

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More