Dowladaha Qatar Iyo Kuwayt Oo Laga Yaabo Inay Marti-Geliyaan Qaxooti Farabadan

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Marykanka, Antoni Bilinken ayaa ku wajahan dalka Kuweyt, xilli ay Maraykanka doonayaan inay dalalka Gacanka Carbeed marti-geliyaan Shaqaalihii Reer Afganistan ee la shaqeyn jirtay Hawlgalka Milliteriga Maraykanka ka wadaan dalkaasi.

Antoni Bilinken ayaa lagu wadaa inuu booqdo dalalka Kuweyt iyo Hinbiya si uu Madaxda dalalkaasi uga hadlo Ka-bixitaanka Ciiddanka Maraykanka ee Afganistan, Ka-hortaga Cuddurka COVID 19 iyo qoddobo kale
Booqashadiisa oo bilaaban doonta maalinta Isniinta ee soo socota ayaa ku soo beegantay iyadoo Maamulka Madaxweyne Joe Biden doonayaan inay dabayaaqada bsiha soo socota ee Agost ay Dib-u-dejin u sameeyaan Shaqaalaha Reer Afganistaan ee la shaqeyn jiray Ciiddanka Maraykanka.

Dalalka Kuweyt iyo Qadar ayaana qeyb ka ah dhowr dal oo ka baaraan-degaya inay marti-geliyan Kumanaan Shaqaalaha Reer Afganistan ee ka walaacsan Noloshooda iyo tan Qoysaskooda iyo inay u gacan galaan Daagaalamayasha Ururka Daalibaan.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Guddiga Doorashada Kenya Oo Xadiday Gelitaanka Xarunta Ay Ka Socoto Tirinta Codadka

Bnnstaff Bnnstaff

Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida Ee Somaliya Xukun Ku Riday Shabakad Ka Tirsan Al-Shabaab Oo Ay Haweenay Ku Jirto

Bnnstaff Bnnstaff

Mareykanka Oo Digniin La Xiriirta Dowladda Ruushka U Diray Dalalka Afrika

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More