Norway: Dhagaxa Iftiimaya Oo Hawada Sare Ka Soo Dhacaya Maxuuse Yahay Dhagaxaasi?

Dadka reer Norway waxaa amakaag ku reeb walxo iftiimaya oo ka soo dhacaya cirka, xilliga habeenkii kaasi oo lagu arkay koonfur-bari dalkaas.

Muuqaalada ayaa muujinaya iftiin xoog leh oo aad mooddo xiddig oo cirka ka soo dhacaya, waxaana xigay, sida ay dad goobjoogayaal ah sheegeen, dhawaqyo culus oo la maqlay Axadii.

Booliska dalka Norway ayaa sheegay in ay heleen wicitaano badan oo gurmad lagu dalbanayay laakiin ma jirin wax war ah oo ku saabsan in waxyeelo ay ka dhalatay walxaha dhagaxa u eg ee cirka ka soo dhacay.

Koox khubaro ah ayaa baadi goobaya walxahan iftiimayay, waxayna aaminsan yihiin inuu ku dhacay keymo u dhow caasimada Norway ee Oslo.

Walxahan oo loo yaqaano Meteor waa dhagaxa hawada sare ka soo dhaca isaga oo ololaya, wuxuuna xawaare sare ku soo galaa dhulka.
Waaxda Norway u qaabilsan dhagaxaanta noocan ah ayaa sheegtay in dhagaxan u eg sida kubbadda ee holcayay uu ahaa mid la arki karay, shan ilbidhiqsi ka dib markii uu soo gaaray dhulka.
Vegard Rekaa oo ah khabiir reer Norway ah oo ku taqasusay cilmiga cirbixiyeenimada ayaa BBC u sheegay in xaaskiisa ay soo jeeday wakhtigaas. Waxayna maqashay ayuu yiri “hawada oo ruxmaysa” ka hor inta uusan qarxin, waxayna u qaadatay inuu yahay wax culus oo ku dhacaya guriga agtiisa.

“Koox khubaro ah ayaa loo diray aagga la rumeysan yahay in uu ku dhacay dhagaxa meteor”, ayuu raaciyay hadalka
Baaritaan hordhac ah ayaa muujinaya in laga yaabo in dhagaxa uu ku dhacay dhul kayn ah oo lagu magacaabo Finnemarka, oo qiyaastii 60km galbeedka kaga began magaalada Oslo.

Khubarada ku taqasusay meteor-ka waxay sheegeen in culeyska dhagaxan soo dhacay uu noqon karo ugu yaraan 10kg.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Khilaafkii U Dhexeeyay Golaha Wakiilada Somaliland Oo La Xaliyay Iyo Kulankoodii Oo Maanya Furmay

Bnnstaff Bnnstaff

Siyaasi Isagoo Qaawan Lagu Dhex Arkay Zoom-ta Iyo Raali Galin Uu Bixiyay Siyaasigaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Golaha Wasiirada Xukuumadda Oo Soo Saaray Amar Ku Socda Ciidanka Xoogga Dalka

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More