Ra’iisul Wasaaraha Dalka Suudaan Oo Wada-Hadal La Yeeshay Madax Uu Ku Jiro Madaxwayne Farmaajo

Ra’iisul Wasaaraha dalka Suudaan Cabdalla Xamduuk ayaa khadka telefoonka kula xiriiray madaxda afar dowladood oo ka mid ah dowladaha urur Goboleedka IGAD.

Ra’iisal wasaaraha Suudaan ayaa la hadlay madaxda kala ah Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir Mayardit, Madaxweyanaha Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Bayaan ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Cabdalla Xamduuk ayaa waxaa lagu sheegay in laga wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee Geeska Afrika iyo xoojinta xiriirka la dhexeeya dalalka Gobolka.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in Ra’iisul Wasaare Cabdalla Xamduuk uu la sii xiriiri doono Madaxda kale ee Geeska Afrika si looga wada shaqeeyo xasiloonida iyo horumarka Gobolka

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Boob Xoogan Oo Lagu Hayo Khyraadka Bada Ee Somaliya Iyo Ruushka Oo Banaanka Keenay Sir Culus Oo Xasaasiya

Bnnstaff Bnnstaff

Magaalada Borama Oo Laga Daahhfuray Markaska Dacwa

Bnnstaff Bnnstaff

Turkiga Oo Si Adag Uga Jawaabay Cunaqataynta Uu Maraykanku Ku Soo Rogay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More