Weerar Ay Dad Shacab Ahi Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Mudug Iyo Faah Faahin Kasoo Baxeysa

Wararka aan ka heleyno deegaan hoostega degmada Galdogab ee Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaas uu ka dhacay weerar lagu dilay dad shacab ah oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Weerarkaan oo ay geysteen rag hubeysan oo la rumeysan yahay inay ahaayeen maleeshiyo beeleed ayaa waxaa uu ka dhacay degaan lagu magacaabo Dhagxanya-cadde oo ku dhow Galdogob, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyay laba Nin oo xoolo dhaqato ahaa ayaa ku geeriyooday weerarka, halka mid kalena lagu dhaawacay, isla markaana waxaa goobta si dhaqsi ah uga baxsaday raggii ka dambeeyay falkaas oo loo adeegsaday qori AK-47.

Wararka ayaa intaas waxay kusii darayaan in weerarkii xalay ka dhacay deegaanka Dhagxanya-cadde oo ku dhow degmada Galdogob uu yahay mid la xriira aano qabiil oo horey uga dhacday Gobolka Mudug.

Falkaan lagu dilay dadka xoolo-dhaqatada ayaa waxaa si kulul uga hadlay Xildhibaan Yoonis Maxamed Shaarre ahna Gudoomiyaha gudiga arimaha bulshada Baarlamaanka Galmudug, wuuxuna laamaha amniga Maamulka ugu baaqay inay soo qabtaan dadkii ka dambeeyay weerarka dhacay.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Maxaa Ku Cusub Shirka Wadatashiga Doorashooyinka Somaliy Oo Maalintiisii Afraad Galay

Bnnstaff Bnnstaff

Dib U Milicso Dadaaladii Uu Madaxwayne Farmaajo Ku Bixiyay Qabsoomida Doorashada Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

“Madaxweynaha Galmudug Wuu Ka Baxay Wixii Aan Ku Balanay Ee Aheyd Cadaalada Doorashada”

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More