Wasiirka Wasaaradda Gaashaandigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji iyo kaaliyaha Wakiilka gaarka ah ee u qaabilsan Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Arimaha Soomaaliya ASG Lisa Filipetto ayaa shir gudoomiyay kulan ku qabsoomay Aaladda fogaan aragga ah (ZOOM , kaasi oo ujeeddadiisu ahayd sidii loo sii wadi lahaa kaalmada deeq bixiyaasha ay ku taageerayaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo dardargalinta ololaha dib -u-dhiska Ciidanka.
Kulanka waxaa ka qeybgalay qaar ka mid ah Wakiilada Beesha Caalamka iyo Safaaradaha Dowladaha Saaxiibada la ah Soomaaliya , Waxaana si qota dheer loo gorfeeyay sida lagama maarmaanka ay u tagay Joogteynta taageerada la siiyo Ciidanka Xoogga DalkaSoomaaliyeed.
Sidoo kale Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa kulanka ku soo bandhigtay Howlaha hortabinta leh ee u qabsoomay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska ciidanka.
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Taliska Xoogga dalka ayaa wada qorshe ballaaran oo ku aadan Tayeynta iyo Horumarinta cududda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo dagaal adag kula jira Al-Shabaab.
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com