Borama News Network

Deg Deg:- Somaliya Oo Ilaalinta Iyo Difaaca Bada Somaliyeed Ku Wareejisay Dowlada Turkiga

Golaha wasiirada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa meel-mariyay heshiis la xiriira difaaca iyo dhaqaalaha badda oo dowladda Soomaaliy la gashay dowladda Turkiga.

Kulan ay yeesheen golaha wasiirrada Soomaaliya isla markaana uu shir guddoomiyay raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa lagu saxiixay heeshiiskan.

Dhawaan ayay ahayd markii wasiirrada difaaca ee labada dal waa Soomaaliya iyo Turkig’e ay wada gaareen heshiiskaan.

Heshiiskaan ayaa la filayaa in faahfaahin uu ka bixiyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta lagu wado in uu khudbad ka horjeediyo labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya.

Related posts

Raysal Wasaare Abiy Ahmed Oo Qirtay In Uu Dhawr Jeer Uu Ku Fashilmay La Kulanka Madaxwane Xasan Sheekh

Abdiaziz Bnnstaff

Markabkii u Afduubnaa burcad-badeedda Soomaalida oo laga baqayo inuu saadka ka go’o

Abdiaziz Bnnstaff

Dalalka Qaarada Yurub Oo Maanta Ka Shiraya Wajiga Cusub Ee Trump Ay ku Wajahayaan

Abdiaziz Bnnstaff