Emmanuel Macron Oo Ku Baaqay Wadahadllo Lagu Soo Afjaryo Colaadda Gobalka Tigray

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku baaqay in la bilaabo wadahadllo lagu soo afjaryo colaadda gobalka Tigray ee waqooyiga dalka Itoobiya,sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Elysee Palace. Warkaan ayaa soo baxay kadib markii Macron uu qadka Telefoonka kula hadlay subixii hore ee Sabtidii ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo dhigiisa dalka Suudaan Cabdullah Xamdook.

Dhanka kale, boqolaal qaxooti Eratariyaan ah oo ku sugan Itoobiya ayaa abaabulay isu soo bax ka dhacay caasimadda, Addis Ababa, si ay uga mudaaharaadaan “gabood-fallo” loo gaysanayo qaxooti kale oo Eratariyaan ah oo ku sugan gobolka Tigray, dhibaatadaas oo ay gaysanayaan dad daacad u ah Jabhadda TPLF sida ay sheegtay wakaallada wararka ee dalka Itoobiya.

Dibadbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay halku dhigyo ay ka mid yihiin: “Waa in la joojiyaa weerarada lagu hayo qaxootiga Eritariya,” “Beesha Caalamka waa inay dhageysataa codkeena”.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dowlada Itoobiya Oo Sharuud Adeg Ku Xidhay Wada-Hadal Ay La Yeelato Dowlada Suudaan

Bnnstaff Bnnstaff

Dal Carbeed Oo Ku Dhawaaqay In Kalabar Uu Ka Cafinayo Deynta Uu Ku Leeyahay Soomaaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Soomaaliya Oo Ka Qeyb Gashay Shirka Dalalka Ku Bahoobay Suuqa COMESA

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More