Bangiga Adduunka Oo Ansixiyey Malaayiin Dollar Oo Loo Qoondeeyey Dowlada Somalia

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Bangiga Addunka ayaa lagu ansixiyey lacag wadarteedu dhan tahay 100 million oo Dollar oo lagu taageeraayo sidii loo hagaajin lahaa Adeegyada Daryeelka Caafimaadka ee Somalia.
Mashruuca lagu hagaajinayo Adeegyadaasi waxaa lagu maalgelinayaa 75 million oo ay ballanqaday Hay’adda Kaalmaynta Horumarinta ee IDA, halka ay 25 million oo Dollar ka imaan doonto Xarunta Maalgelinta Caalamiga ee Haweenka, Carruurta iyo Dhallinyarada ee GFF.

Dhinaca kale, Madax-Gobaleedka Bangiga Adduunka u joogta Somalia, Kristina Svensson oo Qoraal soo saartay ayey ku sheegtay in Mashruucaasi sare u qaadi doono Adeegyada Caafimaadka, Nafaqaynta iyo hagaajinta Adeeyada Caafimaadka iyo Tayayntooda ee inta badan Deegaanadda ay Baahida ka jirto, oo ay ku jiraan Goballadda Bay, Bakool, Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dab Khasaare Gaystay Oo Ka Dhacay Magaalada Ceerigaabo Iyo Shacabka Oo Ka Hadlay

Bnnstaff Bnnstaff

Raysal Wasaare Rooble Oo Shaaciyay In Uu Si Deg Deg Ah Uu Uga Hawl Galayo Arimaha Doorashada Dalka Somaliya

Cajiib! Booliska Dalka Ingiriiska Oo Xabsiga U Taxaabay Shimbiro Laga Soo Dacwooday

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More