Askar Ka Tirsan Booliska Maamulka Puntland Oo La Xidhxidhay Iyo Sobobta Loo Xidhay

Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Bari ee Puntland Gaashaanle sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in guud ahaan Amnaiga Gobolka Bari uu yahay mid wanaagsan oo la isku haleyn karo.

Taliyaha oo xalay khudbad ka jeedinayay munaasabadku saabsan xuska kowda Agoosto oo Boosaaso lagu qabtay, ayaa ksheegay in wadashaqeynta Ciidamada iyo dadweynaha ay sababtay in amniga Boosaaso uu noqdo mid wanaagsan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in had iyo jeer Ciidamada Booliska Gobolka Bari ay heegan ugu jiraan sugida amniga, isla markaana ay wadan howlgallo kala duwan.

G/sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa ugu dambeyn sheegay in Ciidamada ay xir xireen askar dhowr ah, kuwaas oo uu sheegay inay rasaas ku rideen dadka Shacabka ah, kuwaas oi uu sheegay in la maxkamadseeyay.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Qarax Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay Xero Ciidan Oo Ku Taala Gobolka Shabeelaha Dhexe

Bnnstaff Bnnstaff

Warbixin:- Marxaladihii Kala Duwanaa Ee Ay Soo Mareen Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

“Madaxwayne Coldoon Wasiir Umagacow Markaasa La Ogaan Inuu Yahay Qaran Dumis Iyo Inkale” Xildhibaan Mubaarikh

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More