TPLF Oo Mar Kale Hanjabaad Culus U Soo Dirtay Dawlada Itoobiya

Taliye sare oo ka tirsan ciidamada Tigray ee ka dagaallanta waqooyiga Itoobiya ayaa wacad ku maray inay sii wadayaan dagaalka tan iyo inta xayiraadda saaran gobolka laga qaadayo iyo in dowladda federaalka ay aqbasho shuruudaha ku aadan xabad joojinta ay codsadeen.

Janaraal Tsadkan Gebretensae wuxuu BBC u sheegay in dagaalyahanada Tigray aysan ka bixin doonin dhulka Canfarta iyo Amxraada tan iyo inta ay ka gaarayaan hadafkooda.
Wuxuu sidoo kale sheegay in ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea ay weli ku sugan yihiin Tigray balse ay meesha ka saari doonaan waa haddii si iskood ah aysan u bixin.

Janaraalka wuxuu sheegay in mustaqbalka gobolka Tigray uu ku xiran yahay afti laga qaado shacabka marka heshiis siyaasadeed uun ay la galaan xukuumadda Addis Ababa.

Dagaalka 9 bilood ka socday Tigray ayaa horseeday in macluul ay soo wajahdo boqolaal kun oo qof oo ku nool halkaas.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Nin Carwo Ganacsiyeedka Somaliland Ee Burco Ka Socota Ku Soo Bandhigay Ganacsi Aan Laga Filayn Goobtaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Ruushka Oo Markale Tubbooyinka Gaaska Ka Xidhay Waddamada Yurub

Bnnstaff Bnnstaff

Shiinaha Oo Mareykanka Digniin Culus u Diray

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More