Doorashada Xildhibanada Aqalka Sare Oo ka Socota Baydhabo Iyo Hawenaydii Ugu Horaysay Oo la Doortay.(Sawiro)

Waxaa goordhaw si rasmi ah ay uga bilaawday magaalada Baydhabo doorashada Xildhibaanada Aqalka sare Baarlamaanka Soomaaliya ku matalaya maamulka Koonfur Galbeed.

Doorashada maanta ka bilaabatay Baydhabo waxaa ku tartamaya 10 Musharax oo u taagan qabashada Shan kursi oo ka mid ah kuraasta Aqalka sare BFS.

Kursiga ugu horeeyay waxaa ku tartamay musharaxiinta kala ah Samsam Ibraahin Cali iyo Shariifo Xaaji Cismaan waxaana ku guuleystay tartanka kursiga Samsam Ibraahin Cali oo heshay codad gaaraya 81 cod halka Shariifo Xaaji Cismaan ay heshay 4 cod waxaana la sheegay iney halaabeen 7 cod.

Samsam ayaa noqoneysa Xildhibaankii ugu horeeyay ee kusoo baxa doorashada kuraasta Aqalka sare ee deegaan doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya, waana haweenaydii ugu horraysay ee kamid noqonaysa barlamaanka labaad ee aqalka sare.

Waxaa sidoo kale goordhaw la guda geli doonaa doorashada Xildhibaanka labaad ee aqalka sare, waxaana ku tartami doona musharixinta kala ah Ayaan Aadan Cabdullaahi iyo farxiyo Maxamed Nuur.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqday maamulkii labaad ee qabta doorashada Aqalka Sare BFS.

Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka Soomaaliya Marwo Xaniifa Xaabsade, ayaa soo dhoweysay in Koonfur galbeed ay kasoo baxdo haweenaydii ugu horraysay ee aqalka sare. Waxayna sheegtay in ay caddayn u tahay in bulshada koonfur galbeed ay Gabadhaha wax u oggal yihiin.

 

Related posts

Daawo: Waxa Kala Qabsaday Wariye Cagmadhige Iyo Wiil Khadka Telefanka Ka Soo Wacay

Bnnstaff Bnnstaff

Abiy Ahmed Iyo Ra’iisulwasaraha Canada oo Kawada Hadlay Dagaalka Itoobiya

Bnnstaff Bnnstaff

Xukuumadda Oo Fariin Deg-Deg Kasoo Saartay Xaalad Adeg Oo Ka Jirta Dalka

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More