Ciyaaryahanka Caanka Ah Ee Lionel Messi Oo Laga Mamnuucay Tababarkii Kooxdiisa Barcelona Iyo Sobobta

Ciyaar-yahanka K/Cagta ee Lionel Messi ayaa la sheegay inuusanTababar la qaadan doonin Kooxda uu ka tirsan yahay ee FC Barcelona ee dalka Spain.

Warar la soo xigtay ayaa sheegayo in Laacibkaas u dhashay dalka Argentina laga hakiyey Tababarkii Kooxda, tan iyo inta uu ka saxiixi doono Qandaraaska Cusub ee uu ku sii joogi doona Naadigaas ka dhisan dalka Spain.

Wargeyska Sport-ka ee AS ayaa qoray inay Maamulka Barcelona shaaciyeen inuusan Messi tababar la qaadan doonin Kooxdaas, ilaa uu ka oggolaanayo Saxiixa Heshiiska Cusub.

Lionel Messi waxaa laga war dhowrayey tan iyo bishii July 1-dii, balse, waxay u muuqataa inuu Heshiis cusub la saxiixan doono Kooxda Barcelona ee ka soo jeeda Gobalka Catalunya (the Catalan giants).

Muran ayaa ka dhex jira Laacibka iyo Maamulka Kooxda, xilli ay Kooxda la daalla-dhacayso Dhaqaale-xumo, taasi Kabtankooda ku khasbi doonta inuu oggolaado Mushaar dhimis, si uu ugu sii nagaado Xerada Tababarka Barca FC ee Nou Camp.

Heshiis weli lagama gaarin inuu Lionel Messi qalinka ku duugo, oo haddii uu saxiixo muujinayo inuu aqbalay inuu qaadan doono kala-bar (50%) lacagta laga jaray.

Laacibka waxa uu Wakiil xor ka ah Kooxda ahaa tan iyo bishii la soo dhaafay ee July 1-da, balse, waxa uu haatan rajeynayaa inuu Heshiis Qandaraas cusub galo, kaa hor inta uusan bilaabin Tartanka Xilliyeed ee La Liga-ha Spain.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madxwayne Xasan Sheekh Oo Safar Ku Tegay Dalka Eritrea Iyo Hadal Hadal Hayn Xoogan Oo Durba Ka Dhalatay Safarkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiirka Ciyaaraha Xukuumada Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Ciyaarta Maanta Iyo Banaanbixii Burco

Bnnstaff Bnnstaff

Itoobiya Oo Wadda Qorshe Shidaal Dhan 7 trillion Oo Cubic Feet Lagaga Qodayo Degaanka Soomaalida

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More