Ciidanka Xoogga Dalka Somaliya Oo Soo Bandhigay Hub Iyo Rag Watay

Ciidamada Qalabka sida ee howlgallada ka wada degaannada Galmudug ayaa waxaa la sheegay inay gacanta ku dhigeeen Saddex Xubnood oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab iyo hub ay wateen meel ku dhow Magaalada Camaara ee Gobolkaasi Mudug.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in inta badanbdegaannada Galmudug ay isaga baxeen Al-Shabaab, isla markaana, isla markaana, iyaga oo qaarkood kabtegay hubkooda ay aadayaan degaano ay gacanta ku heyso dowladda Soomaaliya.

Saraakiisha Ciidamada ayaa degaanka Camaara awaxaa ay kusoo bandhigeen Saddex Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab iyo hubkooda, kuwaas oo ay sheegeen in dhawaan Maxkamad loo gudbin doono.

Degaannada ku yaal Koonfurta Gobolka Mudug ayaa Ciidamada dowladda Soomaaliya waxaa ay ka wadaan howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, waxaana la sheegay in intii uu socday howlgalka ay la wareegeen degaano dhowr ah.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

“Madaxaygaa Cad Baa Malaha Qoladii Gaaladda La Imoodey” Cali Waran Cade Oo Beeniyay In Midawga Yurub Ka Soo Shaqeeyay Heshiiskii Xalay

Bnnstaff Bnnstaff

Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Xaalada Somaliya Weerar Qaawana Ku Qaaday Farmaajo

Bnnstaff Bnnstaff

Raysal Wasaare Rooble Oo Kulan La Qaatay Wikiilada Beesha Caalamka Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More