Diyaarad Ay Leedahay Dowlada Hindiya Oo Ku Burburtay Gobolka Lagu Muransanyahay

Diyaarad Helikopter oo ay Ciiddanka Cirka ee Hindiya lahaayeen ayaa ku burburtay Haro ku taalla Waqooyiga Jaamu Kashmiir.

Ilo Milliteri ayaa sheegay in Labadii Duuliye ee la socday Helikoptarka ay Baarshuut kaga boodeen Diyaaaraddaasi.
Ma cadda waxa sababay burburka Diyaaaradasi oo Duullimaad caadi ah ku jirtay, ka hor intaysan ku dhicin Harada Biyo-xireenka Ranjit Sagar.

Helikoptarada Milliteriga Hindiya waxay soo daabulaan Mas’uuliyiinta si ay Kaalmo u gaarsiiyan dadka ay waxyeeladu ka soo gaareen roobabka culus iyo daadkaka da’ayo dalka Hindiya.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Deg Deg:- Axmed Madoobe Oo Ka Hadlay Shirkii Dhuusamareeb Dhaliili Culusna U Jeediyay Madaxwayne Farmaajo

Bnnstaff Bnnstaff

Wariyihii Waraystay Ganacsadihii Alshabaab Taageeray Oo La Xidhay

Bnnstaff Bnnstaff

Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Dagaalka Yukrayn Iyo Ruushka

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More