Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Somaliya Oo Ku Dhawaaqay Howlgallo Horleh

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay in ciidamada ay ku wajahanyihiin deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Koonfur Gobolka Mudug, si ay guud aahan deegaannada Koonfurta uga saaraan dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in halka ay Ciidamada ku sugan yihiin ee magaalada Camaara oo ay si toos ah u qabsadeen, isla markaana ay isku fidiyeen guud ahaan Camaara, una sii gudbeen deegaanka Caad.

Jeneraal Biixi oo hambalyo iyo bogaadin u diray ciidanka xoogga dalka iyo ciidamada daraawiishta Galmudug ayaa sheegay in dhagaha shacabka ay soo gaari doonto war farxad leh oo ku saabsan in Al-Shabaab laga saari doono Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug,, isagoo xusay in Al-Shabaab dagaalo uga socdaan Gobollada Hiiraan, Shabaleellaha dhexe, kuwaasi oo qeyb ka ah sidii dalka looga saari lahaa Al-Shabaab.

“Qorshaheena labaad waxaa uu yahay oo aan ku wajahanahay in aan cadowga ka sifeyno Xarardheere, waxaana Ummadda Soomaaliyeed ay ku farxi doonaan kolkaan idinkala soo hadlo Xarardheere oo aan cadowga ka ciribtirno halkaas”. Ayuu yiri Taliyaha ciidanka Dhulka Xoogga dalka.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Taliyaha Ciidanka Xoogga Oo La Kulmay Odayaasha Dhaqanka Ee Magaalada Guriceel

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Magacaabay Guddoomiyaha Cusub Ee Gobolka Banaadir

Bnnstaff Bnnstaff

“Xukuumadu Sas Ayay Ka Qaaday Xildhibaanadii U Soo Baxay Xisbiyada Mucaaridka” Xildhibaan Cabdi Risaaq Khaliif

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More