Toogasho Khasaare Gaysatay Oo Ka Dhacday Dalka Maraykanka

Sarkaal ka tirsan Boliska Waaxda Difaaca Maraykanka ee The Pentagon ayaa lagu dilay weerar Tooreey ah oo ka dhacay Xarunta Transit-ka ee Waaxda Difaaca ee magaalladda Washington DC.

Waaxda Ciidadnka Badbaada ee The Pentagon waxay xaqiijiyeen Sarkaalka la dilay, balse, wey ka gaabsadeen Faahfahinta buuxda ee magaca Sarkaalka la dilay iyo xogta ku gedaaman weerarkaasi.

Xoghayha Difaaca Maraykanka, Llyod Austin waxa uu ka tacsideeyey Dilka Sarkaalkaasi, wuxuuna amray in hoos loo dhigo Calamada suran Dhismaha Waaxda Difaaca ee dalkaasi.
Dhinaca kale, Ciiddanka waxay toogteen Eedeysanihii weerarka geystay oo lagu mgacaabi jirey Austin William Lanz, kaasi oo ka soo jeeda Gobalka Georgia.

Toogashadaasi waxaa kaloo ku dhaawacmay Ugu yaran hal qof oo marayey goobta rasaasta la isku weydarsaday ee banaanka Xarunta Pentagonka.

Eedeysanihii dilka ka geystay waxa la sheegay inuu ahaa qof ka xanuunsanaa Dhimirka, waxaana uu horey uga tirsanaa Ciiddanka Mariniska ee dalkaasi.

Xafiiska Waaxda Dembi-baarista Boliska Federalka ee Gobalka Atlanta ayaa la sheegay inay horkcayaan Baaritanka dhacddaasi iyo Eedeysanihii dilka geystay.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dowladaha Jabuuti Iyo Somaliya Oo Cadeeyay Mawqifkooda Ku Aadan Doolaanka Ruushka Ee Ukraine

Bnnstaff Bnnstaff

Hogaankii Xisbiga Kulmiye Oo Dib Loo Doortay Iyo Muuse Biixi Oo Balan Qaadyo Sameeyay

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada UK Oo Liiska Gaduudan Ee COVID-19 Ka Saartay Dadka Ka Tegaya Soomaaliya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More