Xukuumada Yuhuuuda Oo Hanjabaad Culus U Dirtay Dowlada Iiraan

Ra’isul wasaaraha Israel Naftali Bennett ayaa jeediyay hadal kulul oo ku wajahan Iran, isaga oo cambaareeyay weerarkii lagu qaaday markab shidaal oo ay leedahay shirkad Israeli ah meel u dhow xeebaha Cumaan, usbuucii hore.

“Waxaa dhammaaday waqtigii si raaxo leh la isaga fadhin jiray Tehran iyada dab laga hurinayo bariga dhexe,” ayuu yiri Mr Bennett.

Hadalkan ayaa jeediyay xilli uu Bennett booqday Talaadadii saldhig militari oo ku yaalla Waqooyiga, isga oo uu weheliyo Taliyaha Guud ee IDF, Aviv Kohavi.

Bennett ayaa yiri: “Waxaan abaabuli doonaa caalamka, laakiin isla waqtigaas waxaan sidoo kale naqaannaa sida aan kaligeen wax uga qaban karno oo ay Iran ogaato cawaaqibka ka dhalan kara marka ay amnigeena halis galiso,” ayuu intaa ku daray Bennett.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Xildhibaan Barkhad Batuun Oo Ka Dayriyay Xalaada Cafimaade Ee Dadka Danyarta Ah Baaqna U Diray Dhakhaatiirta

Bnnstaff Bnnstaff

Hargeysa:- Dhilinyaro Isku Xilqaamay Xilinta Khilaafaadka Qoyska Iyo Sobobta Ku Kaliftay

Bnnstaff Bnnstaff

Xukuumada Muuse Biixi Oo Ka Jawaabtay Cabasho Ka Soo Yeedhay Dhalinyarada Reer Berbera Iyo Borama

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More