Wasiirka Maaliyada Somaliya Oo Ka Qayb Galay Shirka Wasiirada Maaliyada Dalalka Africa

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xildhibaan Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Aalada fogaan Araga waxaa uu uga qeyb galay Shirka Wasiirrada Maaliyadda dalalka Afrika, Bangiga Adduunka iyo IMF.

Shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray arimaha soo kabashada dhaqaalaha iyo la jaan qaadidda horumarka Digital ka ah ee Adduunka maadaama Soomaaliya ay kamid tahay dalalka kasoo kabanaya burburka dhaqaale ee lu dhacay.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Siomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in ka qeyb galka Shirkan uu muhiim u ahaa Horumarinta iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya.

Ugu Wasiir Beyle ayaa dambeynu mahadceliyay Dowladda Burundi oo shirkaan maanta marti galisay , si looga hadlo soo kabashada iyo kor u qaadida dhaqaalaha wadamada Afrika oo xilligaan badankood hoosnu dhacay.

Dowladda Soomaaliya ayaa Afartii sano ee la soo dhaafay waxaa ay sheegeysay inay wado dadaal ku saabsan sidii looga cafin lahaa deymaha, waxaana jira dalal dhowr ah oo deymaha ka cafiyay Soomaaliya iyo kuwo badan oo la qorsbeeynayo inay ka cafiyaan.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Suldaan Si Adag Uga Jawaabay Hadallo Xajiimeysan Oo Ka Soo Yeedhay Madaxwayne Muse Biixi

Bnnstaff Bnnstaff

Koomishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Kulan La Qaatay Xisbiyada Mucaaridka Iyo Waxa Ka Soo Baxay Kulankaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxweynaha Ruushka Oo Dalab Deg-Deg Ah U Diray Reer Galbeedka

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More