Lubnaan Iyo Isreal Oo Gantaalo Culus Iswaydaarsaday Iyo Khasaaraha Ka Dhashay Gantaaladaasi

Shan Gantaal oo laga soo tuuray Koonfurta dhanka Lubnaan ayaa waxay ku habsadeen gudaha Israel.

Warar ayaa waxay sheegayan in Gantaalladaasi laga soo ganay gudaha dhulka Reer Falastiin, iyadoo inta badan Gantaaladaasi ku habsadeen dhulka Furan ee Xuduudka Israel.

Wakaalladda Wararka Lubnaan ee NNA waxay qortay in 4 Gantaal oo ay Milliteriga Israel soo tuureen ay ku habsadeen dhulka Buuralayda ee Kafarshooba ee gudaha Xuduudka Lubnaan.
Israel waxay kaloo duqeeyeen Deeganka Sadana ee duleedka Degmadda Shebac, iyadoo uu dab ka kacay inta u dhexeysa Shebac iyo Habiiriyah.

Dhawaaqa Digniinta hore bixiya ee Israel ayaa laga maqlay meel ku dhow Deegaanka Kirayat Shamoona ee kaabiga ku haya xuduudka Lubnaan, halkaasi oo 20,000 oo qof oo dadka Yuhuudda ah la dejiyey.

Dhinaca kale, Janaalka 12-aad ee Telefishinka Israel waxa uu sheegay in mid ka mid ah Gantaallada laga soo tuuray gudaha Lubnaan hawada lagu burburiyey.

Milliteriga Israel waxay rumeysan yihiin inay Kooxaha Hubeysan ee Reer Falastiin ee ku sugan gudaha dalka Lubnaan ka dambeeyeen Gantaallada ku soo dhacay gudaha Israel.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Tirada Dhimashada Dhulgariirkii Haiti Oo Gaadhay 2,189-Qof Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Bnnstaff Bnnstaff

Ugaas Cali Xaashi” Shirka Hawiye Lagu Sheegay Sax Maaha Anaguna Cid Ma Wakiilan Bulshada Anagaa Madaxdeedii Ah”

Bnnstaff Bnnstaff

Weerar Lagu Aqaaday Aqalka Kongareyska Maraykanka Iyo Dhimasho Ka Dhalatay Weerarkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More