Xafiiska Raysal Wasaare Rooble Oo War Ka Soo Saaray Doorashada Gudiga Gobolada Woqooyi

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxa uu adkeynayaa in doorashada Guddoonka Guddiga Doorashooyinka Somaliland ee SEIT ay noqoto mid daah-furan, laguna qabto waqtigeeda, si ay u gutaan waajibaadka loo xil-saaray.”

War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sida tan:

Iyadoo la tixraacayo warqadda ka soo baxday Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal (FEIT) sumadeedu tahay TRX/010/AG/2021, kuna taariikheyrsan 4/08/2021, Ujeedadeeduna tahay Doorashada Guddoonka Soomaaliland (SEIT), ayaa guddiga doorashooyinka Soomaaliland oo ay warqadani sida tooska ah ugu socoto waxaa la farayaa inay fuliyaan Jadwalka doorashada Guddoonka guddiga.

Haddaba, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha wuxuu adkeynayaa in doorashada Hogaanka Guddiga ay noqoto mid daah furan laguna qabto waqtigeeda, si ay u gutaan waajibaadka loo xilsaaray.

 

Xafiisk Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Wakiilka Somaliland Ee Dalka Sweden Oo Ka Hadlay Arimo Ku Saabsan Qurbajoogta

Bnnstaff Bnnstaff

Xiliga La Dhaarinayo Labada Aqal Ee Baarlamaanka Somaliya Oo La Shaaciyay

Bnnstaff Bnnstaff

Qaban Qaabada Aaska Marxuun Cali Khiliif Galaydh Oo Ka Socota Magaalada Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More