Madaxweyne Ay Dalkiisa Colaado Ku Furan Yihiin Oo Ka Qeyb Galayo Caleema-Saarka Madaxweyne Kale

Madaxweynaha dalka Afganistan, Ashraf Qaani ayaa la filayaa inuu maanta booqasho ku tago Caasimadda dalka Iran ee Tehraan, si uu uga qeyb galo Caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee dalkaasi, Ibrahim Ra’isi.

Munaasabadda Caleema-Saarkaasi oo maanta ka dhici doonta magaalladda Tehran waxaa lagu casuumay Madax ka kala socota 73 Waddan oo ay ku jiraan 10 Madaxweyne, 20 Guddoomiyaayaal Barlamaaan iyo 11 Wasiiro Arrimo Dibadeed iyo marti kale.
Dhinac kale, Warbaahinta TOLO News ayaa shaacisay in Safarka Madaxweyne Qaani ku tagayo Iran ay ku soo beegantay iyadoo ay Kooxda Daalibaan kordhisay Gulufka colaadeed ee ay ka wadaan inta badan Goballadda dalka Afganistan.

Talaadadii la soo dhaafay, Daalibaan waxay weerareen Wasiirka Difaaca Afganistan, Bismillaahi Khaan Maxamedi, kaasi oo ka badbaaday Beegsigaasi.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Xasan Daahir Aweys Oo Jawaab Kulul Siiyay Maxamed idiris & Siyaasi Cali Xaaji

Mustafehaji

Odayaasha Iyo Waxgaradka Laascaanood Oo Luuqad Adag Kula Hadlay Xukuumada Muuse Buuxi Fariin Culusna Diray

Bnnstaff Bnnstaff

Nin Isaga Oo Sujuudsan Ku Geeriyooday Masjid Ku Magaalada Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More