Taliska Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB ayaa ka warbixiyay howlgal ciidamada ka sameeyeen degmada Jamaame gobolka Jubbada Hoose.
Saraakiisha ayaa sheegay in ciidamada ay dileen sarkaal katirsan Al-Shabaab, kaasi oo magaciisa lagu sheegay Aadan Yuusuf Sheekh Maxamuud (Abuu Salmaan).
Sidoo kale saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in sarkaalka la dilay uu Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada, iyadoona taliska kumaandooska soomaaliya ay shaaca ka qaaday in afar dagaalame ay ku dileen howlgalka.
Saraakiisha Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee DANAB ayaa ujeedka howlgalkooda ku sifeeyay mid ay uga hortagayaan weerarada iyo qaraxyada Al-Shabaab ee ka dhanka ah Xarumaha Ciidamada iyo kuwa maamulka.
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com