Galmudug Oo Shaacisay In Ay Xaqiijisay Amniga Deegaanad Ay Kala Wareegtay Alshabaab

Wasiirka Amniga ee Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in magaalada Camaara laga hirgelin doono adeegyada aas aasiga u ah nolosha, maadaama ciidamada ay dhawaan halkaasi ka saaren Al-Shabaab.

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Camaara ee Koonfurta Gobolka Mudug, isla markaana hoostagta Degmada Xarardheere ayaa sheegay in ciidamadu ay ku guuleysteen xaqiijinta amniga, haatanna ay magaalada tahay mid nabdoon oo Nabadgelydeeda la isku haleyn karo.

Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa xusay in magaalada Camaara laga hirgelin doona Saldhig boolis, xarumo caafimaad iyo Waxbarasho iyo waxyaabaha kale ee ay bulshada u baahantahay, maadaama Al-Shabaab ay kalhore baabi’iyeen goobihii bulshada loogu adeegi jiray.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Wafti Ka Ka Socda Dalka Jabuuti Oo Somaliland Kala Qaybgalaya Xuska 18may Oo Hargeysa Soo Gaadhay

Bnnstaff Bnnstaff

“Iyada Oon La Mudaharaadi Karin Doorsho Lama Qaban Karo” Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Soo Bandhigay Waxyaabaha U Qabsoomay Iyo Qorshayaasha Cusub

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More