Wafti Ka Socda Dowlada Kenya Oo Ku Soo Waajahan Magaalada Muqdisho Iyo Ujeedada WAftigaasi

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa maalinta berri oo Axad ah kusoo wajahan wafdi ka socda Dowladda Kenya oo ay hoggaamineyso Wasiirka Arrimaha Dibedda dalkaas Raychelle Omamo.

Ujeedka safarka Raychelle Omamo ee Muqdisho ayaa waxaa uu yahay mid la xiriira xoojinta xiriirrka diblomaasiyadeed ee dhexeeya labada dal gaar ahaan arrimaha ganacsiga iyo isu-socodka shacabka labada dal.
Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya ay la kulmi doono Madax ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay kala hadli doonto in dib loo fasaxo qaadkii ka imaan jiray Kenya ee la joojiyay.

Sidoo kale wararka intaas waxaa ay kusii darayaan in Raychelle Omamo ay Madaxda dowladda Federaalka kala hadleyso Arrimo kale oo ku aadan xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dhinac.

Si kastaba xiriirka u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa dhowr jeer xumaaday, sidoo kalena sababay in bilooyin ay xirnaadan safaaradaha labada dal ee Muqdisho iyo Nairobi, in kastoo markii dambe labada dowladood ay heshiis wada gaareen.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxwayne Lafta Gareen Oo Markii Ugu Horaysay Ka Hadlay Khilaafka Farmaajo Iyo Rooble

Bnnstaff Bnnstaff

Ehelada Ay Ka Maqanyihiin Ciidanka Somaliya Tobabarka Ugu Dirtay Eritrea Oo Codsi U Diray Dowlada Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Ruushka Oo Duqeymo Culus Ka Fuliyay Magaalooyin Ka Tirsan Ukraine

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More