Harun Aydin waxaa laga qabtay Garoonka Diyaaradaha JKIA ee magaalladda Nairobi, xilli uu la socday Diyaarad Rakaab oo ka timid Uganda.
Saraakiil ka tirsan Waaxda Socdaalka iyo Booliska dalkaasi ayaa la sheegay inay Muwaadinka Turkish-ka kaxaysteen, waxayna markii hore gudbiyeen Xafiiska La-dagaalanka waxa loogu yeeray Argagixisada oo ku yaalla wadada Ngong Road ee Nairobi, kadibna waxay u gudbiyeen Saldhig Boolis oo ku yaalla Deegaanka Nairobi.
Saraakiisha waxay sheegeen inay wax ka weydiinayaan isfahan Sharci uu ku joogo Kenya iyo waxay tahay Shaqada uu ka hayo Kenya ka sokow Qaaradda Afrika.
Harun Aydin ayaa jaal dhow William Ruto, wuxuuna Uganda ku maqnaa tan iyo bishan August 2-dii.
Waa Ganacsade leh Shirkad Maalgashiga Tamarta Afrika oo loo yaqaano Unit 2HA Investment Energy Africa Ltd, wuxuuna Fasaxa Shaqo ka haystaa Waaxda Adeega Socdaalka Kenya oo la bixiyey bishii June 30-dii ee sanadkan 2021-ka, kaasi oo dhici doona bishaJune 29-da ee sanadka, 2023-ka.
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com