Ciidamada Dowladda Oo Howlgal Ka Sameeyay Degmooyin Ka Tirsan Gobolka Banaadir

Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa xalay waxaa howlgallo amniga lagu xaiijinayay, isla markaana dad badan lagu qabqabtay ka sameeyeen degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir.

Howlgalka oo inta badan laga sameeyay Xaafado ka tirsan muqdisho ayaa Ciidamada waxaa ay beegsanayeen Guryaha gar ah oo bartilmaameed u ahaa, kuwaas oo dad badan ay kasoo xir xireen.

Taliye kuxigeenka labaad ee Ciidanka Booliska Soomaliyeed Sakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in howlgalka ay Ciidamada Booliska kusoo qabteen dad farabadan oo ahaa kuwo isticmaalayay kana Ganacsanayay waxyaabaha maanka dooriya.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in howlgalka Ciidamada ay iga jawaabayeen cabasho uga timid qaar kamid ah Shacabka Magaalada Muqdisho oo xaalad amni darro ka sheeganayay.

“ Taliska Boliiska G/Banadir iyo Maamulka G/Banadir oo is kaashanaaya kana jawaabaya cabasho ka timid bulshada ayaa howlgalo ka fuliyay dhamman degmooyinka G/Banadir howlgalkaas oo lagu soo qabtay dadka mandooriyaadka isticmaala iyo ka ganacsada, howlgaladaan waxeey ka jawaabayaan cabashooyinka ay bulshada ku soo gudbiyeen Madasha Ila Wadaag, Qadka 991 iyo cinwaanada bulshada ay si toos ah oogala xiriir karaan Ciidanka Boliiska ayay tiri” Taliye Sakiya.

Howlgalkan ay Ciidamada Booliska Soomaliya xalay ka sameeyeen degmooyin badan oo ka tirsan Gobolkan Banaadir ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli todobaadyadii la soo dhaafay Shacabka Muqdisho qaarkood ay ka cabanayeen kooxo hubeysan oo dadka ka dhacaya Mobeeladooda.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

“Imaaraadka Carabtu Amaan Ma Aha” Maraykanka Oo Cadaadis Xoogan Saaray Dowlada Imaaraadka Carabta

Bnnstaff Bnnstaff

Shacabka Magaalada Hargeysa Oo Cabsho Xoogan Ka Muujiyay Wakaalada Biyaha Iscasilaadna Ugu Baaqay Maareeyaha Wakaaladaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Diyaaradaha Dagaalka Ee Dalka Turkiga Oo Kor Duulay Saldhigyada Aljura Iyo Sirta Ee Gudaha Liibiya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More