Dagaal Ka Dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo Iyo Khasaaraha Ka Dhashay Dagaalkaasi

Dagaalka oo geystay khasaar isugu jira dhimasho iyo dhaawac una dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay degaanka Baar-sanguuni oo kamid ah degaannada hoostaga Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhiga Ciidamada ee degaanka bar-sanguuni, waxana dadka degaanka ay sheegeen in dagaal culus uu halkaasi ka dhacay.

Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyada weerarkaas ayaa sheegay inay weerarkaas ku dileen 8 askari oo uu kujiro Sarkal ay Magaciisa ku sheegeen Yuusuf Aadan, sidoo kale ay kusoo qabsadeen 5 Qoray oo nooca AK47 ah, in kastoo aysan jirin warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Degaanka Bar-Sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaalo culus oo u dhaxeeyay Ciidamada dowlada & kuwa Jubbaland oo dhinaca ah, hayeeshee ay barbar socdeen howlgallo ay Ciidamada dowladda ka sameeyeen degaano u dhow magalada Kismaayo.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Maamulka Koonfur Galbeed Oo Ku Dhawaaqay Howlgal Al-Shabaab Looga Saarayo Sh/Hoose

Bnnstaff Bnnstaff

Bangiga Adduunka Oo Taageero Horleh Siinaya Soomaaliya Iyo Nuuca Taageeradaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Xarunta Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Ka Socday Beesha Caalamka.

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More