Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Maamulka Puntland Oo Geeriyooday

Wararka laga helayo Magaalada Garoowe ayaa waxaa ay sheegayaan in Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Hawlaha guud iyo Gaadiidka Puntland, Asad Xuseen Xaashi uu saaka ku geeriyooday magaalada Garoowe, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaraddaas.

Marxuumka oo sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay ku xanuunsanaa Garoowe, ayaa sida la xaqiijiyay u geeriyooday xanuunka COVID-19.

Mas’uuliyiin ka tirsan Madaxda Sare ee dowlad Goboleedka Puntland oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Puntland ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Hawlaha guud iyo Gaadiidka Puntland, Asad Xuseen Xaashi.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa, kan Goleyaasha Dowladda iyo kan Shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka ee Puntland Asad Xuseen Xaashi oo ku geeriyooday Garoowe.

“Waxaan dhammaan ummada Soomaaliyeed, Shacabweynaha Puntland iyo Golaha Xukuumadda Puntland, uga Tacsiyeeynaya geerida Alle ha u naxariistee Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka ee Puntland Asad Xuseen Xaashi oo ku geeriyooday Garoowe.

Marxuumku waxa uu ahaa masuul usoo shaqeeyay dalkiisa iyo dadkiisa, waxaana alle uga baryaya inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Wasiirka Qorshaynta Somaliland Oo Cabasho Ka Muujiyay Xildhibaano Uu Sheegay In Ay Ku Dacweeyeen Beesha Caalamka

Bnnstaff Bnnstaff

Faransiiska oo Gudaha Afghanistan Ku Hubaynaya Jabhad La Dagaalanta Taliban

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Joe Biden Oo Kulan Kiisii Ugu Horeeyay La Qaadanaya Madaxda Dalalka G7

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More