Puntland Oo War Kasoo Saartay Khilaafka U Dhexeeya Madaxweyne Farmaajo Iyo Raysal Wasaare Rooble

Maamul Goboleedka Puntland ayaa war kasoo soo saaray khilaafka u dhexeeya madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaare Maaxamed Xuseen Rooble.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka Puntland ayaa waxaa lagu taageeray hannaan uu Ra’iisul Wasaare Rooble ku wado arrimaha siyaasadda dalka, waxaana Puntland ay taageertay go’aankii uu qaatay ee uu kaga hor yimid wareegtadii uu dhawaan soo saaray maadxweyne Farmaajo ee kua adaneed in Hay’adaha xukuumadda xilgaarsiinta aysan wax heshiisyo ah gali karin.

Sidoo kale waxaa Puntland ay Ra’iisul Wasaare Rooble ku taageertay tallaabooyinka ku aaddan hirgelinta doorashada iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay adduunka.
“Dowladda Puntland waxay ku boggaadinaysaa Ra’iisul Wasaare Mohamed Xuseen Rooble, hogaaminta Dalka ee muddada kala guurka ah, hirgelinta doorashada iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay adduunka” ayaa lagu yiri Qorool kasoo baxay Puntland
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, ayaa waxaa ka dhex qarxay khilaafkii ugu xoogganaa ee labada mas’uul isaga hor yimaadaan tan iyo markii xilka loo magacaabay Maxamed Xuseen Rooble.

Waxaana xalay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed farmaajo uu wareegto Madaxweyne ku hakiyay Heshiisyada xukuumadda, balse waxaa xigtay in uu si kulul kaga hadlay arrintaasi RW Maxamed Xuseen Rooble.

War kasoo baxay Xafiiska RW Rooble ayaa waxaa si kulul looga hadlay arrintaasi, waxaana war-murtiyeed laga soo saaray Xafiiska RW Rooble lagu sheegay in hay’adaha xukuumadda ay sii Wadan doonaan howlahooda, aysana istaagi doonin dhammaan shaqooyinka xukuumadda.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Tartanka Doorashada Maraykanka Oo Maray Meel Xasaasiya Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Bnnstaff Bnnstaff

Qaramada Midoobay Oo War Ka Soo Saartay Dadkii Ay Somaliland Ka Raaftay Magaalada Laascaanood.

Bnnstaff Bnnstaff

Wariye Coldoon Oo Lagu Waayay Wax Dambi Ah Ka Dib Markii Uu Mudo Dheer Xabsi Ku Jiray

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More